Posts

Maxay u dhigan tahay aragtidani; midnimo waanu doonaynaa, se midnimo shantii soomaaliyeed ay ku dhan tahay ayuun baa na marta ee ma rabno midnimo soomaaliya iyo somaliland kaliya ah. Waa aragti khiyaamo wayni ku ladhan tahay. Go'aankii 1991kii ee ahaa in Somaliya lagala soo noqdo qarannimadii lixdankii loogu geeyay qiiradu waxa uu ahaa in la helo somaliland tii midnimada ka hor oo kale oo ah qaran madax bannaan aduunkuna ictiraafsan yahay. Sidoo kale meelnaba kagama jirto dastuurkii iyo wixii ay dadku ku heshiiyeen una codeeyeen in Somaliland ay diyaar u tahay midaw labaad nooca uu doono ha noqdee. Illaa maanta oo ay Somaliland la daalaa dhacayso sidii ay Somliay ugu qancin lahayd in ay ka noqotay midawgii lixdankii qiiiradu keentay haddana ay tahay qaran madax bannaan masuuliyadda ugu wayn ee saarina waa in ay marka hore hesho mansabkii ay taagnayd midnimada ka hor, markaas ka dibna ay go'aansan karto masiirkeeda balse aanay hadda diyaar u ahayn go'aanno kale oo ma...