Maxay u dhigan tahay aragtidani;
midnimo waanu doonaynaa, se midnimo shantii soomaaliyeed ay ku dhan tahay ayuun baa na marta ee ma rabno midnimo soomaaliya iyo somaliland kaliya ah. Waa aragti khiyaamo wayni ku ladhan tahay.
Go'aankii 1991kii ee ahaa in Somaliya lagala soo noqdo qarannimadii lixdankii loogu geeyay qiiradu waxa uu ahaa in la helo somaliland tii midnimada ka hor oo kale oo ah qaran madax bannaan aduunkuna ictiraafsan yahay.
Sidoo kale meelnaba kagama jirto dastuurkii iyo wixii ay dadku ku heshiiyeen una codeeyeen in Somaliland ay diyaar u tahay midaw labaad nooca uu doono ha noqdee.
Illaa maanta oo ay Somaliland la daalaa dhacayso sidii ay Somliay ugu qancin lahayd in ay ka noqotay midawgii lixdankii qiiiradu keentay haddana ay tahay qaran madax bannaan masuuliyadda ugu wayn ee saarina waa in ay marka hore hesho mansabkii ay taagnayd midnimada ka hor, markaas ka dibna ay go'aansan karto masiirkeeda balse aanay hadda diyaar u ahayn go'aanno kale oo masiiri oo khuseeya midawga soomaaliyeed.
Haddaba sirta ku duugan aragtidan ayaa ah in ay si buuxda u taageerayso doodda somalia ee midnimada ku sallaysan.
Sababtoo ah;
Marba haddii ay doodayaan laba dhinac oo iska soo hor jeeda waxaa loo baahan yahay in la helo mabda' iyo aragti lagu midaysan yahay oo laga duulo intaan la isla gaadhin waxa lagu kala tagsan yahay.
Haddaba haddii Somaliland diyaar u tahay midnimo shantii soomaaliyeed ah Somaliya na ay isla midnimadaas uun raadinayso, isla mabda'aas waa in laga dab qaataa maaddaama lagu midaysan yahay, wax kasta oo labada dhinac ka wada hadlayaanna waa in uu noqdaa dariiqii lagu heli lahaa waxaa lagu midaysan yahay.
Waaqaca maanta marka la eego shantii soomalaliyeed laba ka mid ahi waa fog yihiin haddeerna lama heli karo oo taa waa la isla wada garanayaa, saddexda soo hadhay waa in la helaa sidi loo midayn lahaa isla markaana loo heli lahaa awood ku filan in la soo celiyo labada maqan.
Marka laga bilaabo Somaliya oo iyadu wadda midnimada cidda ku xigaysaa waa ayo; Somaliland mise Jabuuti. Haddiiba Jabuuti ay noqoto midda ku horreynaysa midawga waxa ay somaliya la midoobi doontaa iyada oo ula macaamilaysa qaab laba dawladood oo midoobaya isla markaaana ku heshiinaya xeerar iyo shuruuc si siman loo wada gelayo maaddaama ay tahay qaran madax bannaan oo ictiraafkiisii haysta. Haye, Somaliland haddaba iyada oo maxay ah ayay midawga qaadanaysaa!. Xaqiiqatan kaliya waa calanka buluugga ah ka taagga hargeisa iyo gobolladii waqooyi mana jiri doona wax heshiis ah oo lala galayaa maaddaama ay iminkaba ku jiraan systemka midawga oo ay haystaan caasimad ku xigeentii, xilalkii dawladda iyo xubnihii baarlamankaba.
Halkaa markay tahay aawaye xornimadii lala soo noqday iyo ictiraafkii soddonka sanno la raadinayay, aawaye calankii loo heesayay iyo haykalkii dawladnimo ee la dhisay, aawaye Somaliland tii lagu dhaadan jiray.
Xornimaa ka horreysa midnimo
Berina waxa la yidhi; ninbaa soomoo bakhti ku afuray
Happy 60th anniversary
26 june 1960
Somaliland
Saadiq Farhan sh Hassan

Comments
Post a Comment